
Isniin, 18 July 2011(HOL): Ciyaar ka tirsaneyd tartanka ciyaaraha xagaaga ee ka socda Magaalada Stockholm ayaa waxaa ay dhexmartay Kooxo ka kala socday dalalka UK iyo Finland oo lagu kala magacaabo Nabadda (UK) iyo Sonpetry (Finland, waxayna ciyaarta oo aad u adkeyd ku soo gebagebowday Gool iyo waxba oo ay goolka la timid Kooxda Nabadda oo haddana tartanka ka hartay.
Sababta ay kooxda Nabadda tartanka uga hartay iyadoo weliba badisay ayaa waxay tahay in laga doonayay in ay dhaliso seddex gool haseyeeshee ay gool kaliya dhalisay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay iska khasaarisay labo gool-ku-laad oo goolal loo fishay.
Kooxda Sonpetry ee dalka Finland ka socotay ayaa sidaas ugu soo baxday wareegga 8da ah oo noqon doona midka ugu adag, kaasi oo kooxdii laga badiyo ay dib ugu laabaneyso halkii ay ka timid marka laga reebo kuwa ka dhisan dalka martida loo yahay ee Sweden.
Kooxda Sonpetry
Kooxda Nabadda
Dalka Ingiriiska oo ay ka socdeen afar kooxood waxaa haatan tartankan ku soo hartay koox kaliya, taasi oo ah Leicester. Maalinta berri ah oo Isniin ah waa la nasan doonaa, wuxuuna wareegga 8-da bilaaban doonaa maalinta talaadada ah ee soo socota. 
KOOXAHA IYO DALALKA AY KA YIMAADEEN
|
WADDANKA AY SOCDAAN |
TIRADA KOOXAHA KA SOCDA |
|
Dalka Britain |
Ilamoos, Leicester, Nabadda iyo Horseed |
|
Dalka |
Xiddigaha Rågsue iyo Qaran |
|
Dalka |
Olympic Amaga iyo Wadani |
|
Dalka |
Sonpetry |
|
Dalka |
Dahabshiil iyo |
|
Dalka |
Waaberi |
|
Dalka |
|
Wixii warar ah ee ku soo kordha tartankan kala soco halkan Insha Allaah.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online