Xildibaan Cabdi Abshir Dhoorre: "Baarlamaanka Soomaaliya ma matalo shacabkiisa mana dhageysto hadalladooda"

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in xubnaha golaha shacabku ay ku fashilmeen ama ku guuldarreysteen inay dhageystaan shacabkooda, taasoo uu ku sheegay inay caddeyn u tahay in baarlamaanka Soomaaliya uusan matelin shacabkiisa.

"Golaha shacabka Soomaaliyeed sida kuwa dunida ka jirta oo kale wuxuu meteaa shacabkiisa. Cel-celis ahaan xildhibaan kasta oo ka tirsan 550-mudane ee golaha shacabka Soomaaliyeed wuxuu metelaa 18,000-qof oo Soomaali ah - marka laga qiyaas qaato tirada Soomaalida oo lagu qiyaaso 10-milyan oo ruux," ayuu ku yiri mudanuhu qoraal uu soo saaray.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn qaabka ay xildhibaannadu ku yimaadeen iyo weliba inay waqtiga kororsadaan, haddana inta badan kuma jirto cid ku hadasha magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Dhoore wuxuu qoraalkiisa oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska HOL ee Muqdisho uu ku sheegay in golaha shacabka Soomaaliya uu ansixiyey shan bilood ka hor in waqti saddex sano ah ay ku darsadeen muddada ay shaqeynayeen, lana qabto doorasho ka hor inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan. Wuxuuna mudanuhu isweydiiyay goorta laga laabtay go'aankaas baarlamaaniga ah? isagoo is-tusay inay ahayd in marka hore go'aankaas laga laabto, kaddiba loo gudbo qodobbo kale - mase waa jaantaa rogan.

Mar uu soo hadal qaaday heshiiskii Kampala ay ku gaareen Madaxda DKMG ah 09-kii June 2011 ayuu sheegay in golaha baarlamaanka uu ansixiyay cod aqlabiyad ah, dadkii ay meteleyeenna ay uga horjeesteen si aan caadi ahayn gudaha iyo dibadba, waxayna arrintan u baahan tahay buu yiri fasiraad taariikhi ah.

Sidoo kale, mudanaha oo isweydiiyay inay xaqiiqo tahay in golaha shacabka uu iska leeyahay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa yiri:

"Waxaan ognahay in markii loo dooranayay Shariif Xasan in maalin ka hor uu awood u heli waayay inuu ka hadlo baarlamaanka hortiisa, wuxuuna ka hor yiri golaha shacabka, i dhageysta - ha igu buuqina - koley waad i dooran doontaane, iyadoo xildhibaannadii u diiday inuu hadlo ay maalintii dambe doorteen!" ayuu qoraalkiisa ku yiri isagoo muujinaya amakaaga ay arrintan leedahay.

Mudanuhu wuxuu sheegay isagoo arrintan ka jawaabaya in 550-xubnood ee uu ka kooban yahay baarlamaanka ay dhammaantood yihiin xubno aan isku dan iyo fikir ahayn, isagoo xusay in mudane walba uu dantiisa ka eegto xarunta dhexdeeda.

"Ma jiro xildhibaan ama xildhibaanno sameeyay jaan-gooyo siyaasadeed oo ay ku metelaan masaalixda qabiilkooda - wadankooda oo haddii la fulin waayo ku xisaab qaata marka codka la bixinayo, waayo ma jirto xarun loo xisaab celiyo oo mudahana la xisaabtamaysa," ayuu yiri xildhibaan Cabdi Abshir.

Isagoo shacabka la hadlaya ayuu yiri: "Haddaad shacabow u haysataan in qabiil dad metelaa ay ku jiraan shacabka mar labaad waa inaad fekertaan."

Ansixinta heshiiskii Kampala ayuu ku sheegay mudanuhu in inuu yahay qodobkii uug horreeyay oo ay isku raacsan yihiin saddexda mas'uul ee dalka ugu sarreeya oo ay si guud u ansixiyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo sheegay inay jiraan 90-mudane oo raadinaya inay soo galaan golaha wasiirrada oo aan ka hor-imaan karin madaxda dowladda.

Xildhibaan Cabdi Dhoorre, wuxuu sheegay in 70-xildhibaan ay ka baxeen golaha shacabka ka hor intii aan codka loo qaadin heshiiskii Kampala, kuwaasoo uu xusay inay kasoo horjeedeen heshiiskaas, balse ay wejiga ka ilaashanayeen madaxda DKMG ah.

Gabagebedii qoraalka ayuu ku sheegay xildhibaanku in dalka uu marayo marxalad kala guur ah, isla markaana aysan shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn inay ka tashadaan aayahooda, madaxduna ay yihiin kuwo danahooda ka hormarinayo kuwa shacabka ay sheegaan inay metelaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in caalamku uu dano fara badan ka leeyahay Soomaaliya, dal walbana ka eeganayo dantiisa gaarka ah, isagoo aan eegayn midda guud ee dalka.

Xidlhibaanka Cabdi Abshir Dhoorre waxaa lagala xiriir karaa e-mail: [email protected] iyo taleefoonkiisa Muqdisho oo ah 00252615700948.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdish, Soomaaliya