Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay cafis u fidiyeen xoogaggii ay ku dagaalaameen buuraleyda Galgala

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta ka hadlayay xaflad lagu qabtay jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa sheegay inay cafis u fidinayaan cid walba oo doonaysa nabad, isagoo xusay in kooxihii ay kula dagaalameen Galgala ay cafis u fidinayaan haddii ay iso soo dhiibaan.

Puntland iyo xoogag uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa ku dagaalamay buuraleyda Galgala bartamihii sannadkii hore, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare nafeed oo fara badan, waxaana weli deegaannadaas ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo xoogagga Atam.

"Waxay ila tahay dagaal inaan waxba lagu gaarayn, waxaan anigoo ka faa'iideysanaya fursaddan ku dhawaaqayaa in Puntland ay cafis u fidinayso cid walba oo doonaysa inay nabadda qayb ka qaadato," ayuu xafladda ka yiri Faroole.

Madaxweynaha Puntland wuxuu carrabka ku dhajiyay in kooxihii ay ku dagaalameen Galgala looga baahan yahay inay maamulka Puntland kusoo biiraan si ay kooxaha kale ee fidnada wada ay ugu quus qaataan.

C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay inay la dagaalami doonaan cid walba oo isku daday inay carqaladeyso nabadda Puntland, oo aysan u duqlaadan doonin cid walba oo rabshad wadda.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu ku sheego inay cafis u fidinayaan xoogaggii ay ku dagaalameen buuraleyda Galgala, iyadoo aysan wax jawaab ah ka imaan Sheekh Maxamed Siciid Atam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya