Booliska ka hortagga argagixisada ee Kenya oo laba nin xiray

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Booliska sida gaarka ah ugu tababaran ka hortagga argagixisida ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay labo nin oo ay kasoo qabteen mid kamid ah hoteellada ku yaalla bartaha caasimadda.

 

Labada nin oo midkood la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo wadamada carabta ayaa boolisku ay su’aalo waydiinayaan.

 

Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya oo hadal hayay qabashada labada nin ayaa tilmaamay in nimanka la qabtay midkood looga shakisanyahay inuu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya.

 

Labadan  nin ayaa la sheegay inay wateen boorsooyin laga shakiyay,taasoo keentay in boolisku ay xabsiga u taxaabaan si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

 

Marka laga soo tago wararka ay qortay warbaahinta, booliska Kenya ilaa iyo hadda faah-faahin rasmi ah kama soo saarin sababta dhalisay xarigga labada nin iyo wadamada ay asal ahaan kasoo jeedaan.

 

Kenya ayaa feejignaantiisa kor u qaaday tan iyo markii shirqool lagu khaarajiyay hogaamiyihii ururka Alqaacida, iyadoo ururrada Alqaacida hoostaga oo Alshabaab ay ka mid tahay ay ku hanjabeen inay u aargudi doonaan.

 

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya