Ra’iisul wasaaraha Kenya Raila Odinga oo soo-jeediyay in Qaxootiga Soomaalida lagu Quudiyaa Gudaha Soomaaliya

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed lagu quudiyo gudaha dalkooda, xilli ay mudooyinkan danbe qaxooti Soomaaliyeed  ay ku qulqulayaan xerooyinka qaxootiga ee ku yaal gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

 

Mr Odinga wasaraha aya sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan kasoo carareyn amni darro balse ay kasoo cararayaan gaajo, sidaas daraadeedna in gudaha Soomaaliya lagu quudiyo ayuu sheegay in ay tahay mid isbadal weyn keeni karta.

 

Xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka ku yaal dadaab ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa mudooyinkan danbe aad u sii xumaaneysay kadib markii  tirada qaxootiga ee ku dhaqan Xerooyinkaasi ay ka bateen intii loogu talogalay.

 

Mudooyinkan danbe ayaa madaxda Hay’adda UNHCR waxa ay wadahadallo kula jirtay dowladda Kenya si ay u ogalaato furitaanka xero cusub oo lagu xareeyo qaxootiga Soomaaliyeed tasoo furitaankeedu ay ogolaadeen Masuuliyiinta Dowladda wadanka Kenya.

 

Dowladda Kenya ayaa si weyn walaac uga muujisa qaxootiga tirade badan ee ku soo qulqulaya wadankeeda iyagoona sheegay in laga yaabo in ay kusoo dhex dhuuntaan dagaalyahanno katirsan Xarakada Alshabaab.

 

Hadalkan kasoo yeeray madaxda dowladda Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli Masuuliyiin katirsan Xarakad Alshabaab ay shaaca ka qaadeen  in ay u fasaxeen in Hay’adaha gargaarka biniaadanimo ee qaramada midoobay ay ka howlgalaan gobollada ay maamulaan.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya