Axad, July 17, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalka oo qarxay 12:00 habeenimo ee xalay ayaa socday muddo saacad ku dhow, iyadoo la sheegay in xoogaga Xarrakada Al-shabaab ay xabsiga degmadaas kasii daayeen maxaabiis.
Saraakiil ka tirsan kuwa DKMG ah ee ku sugan degmadaas ayaa xaqiijiyay in weerar lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen, iyagoo sheegay in xaaladdu ay daggan tahay ayna iyagu gacanta ku hayaan degmada.
Goobjoogayaal ku sugan gudaha degmada Baladxaawo ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid culus oo ay dhinacyadu isku adeegsadeen hub fudud iyo mid culus, balse aysan jirin khasaare shacabka kasoo gaartay.
Degmada Baladxaawo ayaa waxay ka mid tahay afar degmo oo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah ay horraantii sannadkan dagaal uga fara-maroojiyeen Xarrakada Al-shabaab, mana ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay degmadaas weerarto oo ay sii-dayso maxaabiista ku xiran xabsiga.
Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay in degmadaas ay weerartay xalay ayna khasaare ugu geysteen ciidamada dowladda ee ku sugan, iyagoo xusay in degmada ay gudaha galeen, markii hadafkooda ay dhameysteenna ay isaga baxeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdish, Soomaaliya