Xaaladda nolasha barakacayaasha iyo reer miyiga Gobolka Hiiraan ku nool oo u muuqata mid sii adkaaneysa

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Gobolka Hiiraan oo ah gobal dhaca bartamaha dalka Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay goballada Soomaaliya ee sida weyn abaartu ugu dhuftay, gaar ahaan marka la eego dhulka Miyiga ah ee sida weyn ugu fog wabiga Shabeelle.

 

Xoolo dhaqto badan ayaa abaartaas ku waayay duunyadii ay dhaqanayeen haba ugu sii darnadeen Lo'da iyo Arig oo intoodii dabar go'ay, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan oo u tiirsanaa dhaqashada xoolaha meel cidlo ah ku soo dhacaan.

 

Sidoo kale abaarta iyo waliba jilaalka daba-dheeraad waxaa ay sababeen inay guraan ama qalalaan dhamaan baraagihii ay dadku biyaha ku keysan yihiin, halka ceel gacmeedyadii dadku cabi jiray qaarkoodna gureen, kuwa kalana ciladoobeen kadib markii ay dhaabto soo gaartay Mishiinkii ama Matooradii loo isticmaali jiray.

 

Arimahaa oo is biirsaday ayaa waxaa ay keeneen in nolasha dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan dhulka baadiyaha ah ee aadka u fog siweyn u adkaato, waxaana wal wal badan hadda muujinaya in badan oo ka mid ah xoola dhaqatada oo ka cabsi qaba in ay dhaafnaa wixii xoolihii yaraa ee uga soo samata baxay abaartii ku dhuftay goballka.

 

Mid ka mid ah waxgaradka goballka ee sida weyn ugu dhuun-daloola nolasha dadka reer miyiga ah oo ay HOL kula kulantay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in haddii ay xaaladu sidan sii ahaato nolashu intan ka sii adkaan doonto, waxaana uu sheegay in nolasha yar ee hadda kusii danbeysa sida uu hadalka u dhigay dadka reer miyiga ah ee goballka ku nool ku soo gaareen wax xoogaa kaalmo ah oo ka helleen Jaaliyadaha dibada iyo walba qaar ka mid ah hay'addaha samafalka ka shaqeeya goballka. laakiin hadda arimahaa oo dhan meesha ka baxeen.

 

Waxaa jira dad markii ay waayeen duunyadii ay dhaqanayeen bilaabay inay isaga cararaan deegaannadii ay ku noolaayeen, kuwaasoo qaarkood ku barakacay isla goballka gudihiisa, halka kuwa kalana u talaabeen dhinaca dhulka islaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Marka laga soo tago dadka xoola dhaqatada ah xitaa waxaa ay saameyn ku yeelatay xaalada abaarta ka jirta goballka beero qodatada, gaar ahaan kuwa ku tiirsan roob-ka ee aan heli karin waraab-ka, kuwaasoo laftirkooda hadda taagan heer quus ah.

 

Dhinaca kale mar aad eegto barakacayaasha xeryaha ku leh daafaha magaalada Beledweyne ayaa kuu sheegaya marka aad la sheekeysto xaalado dhinaca nolasha ah oo aad u dhib badan, gaar ahaan sida ay ku dabaraan maalmeedkooda caadiga ah.

 

Qaar ka mid ah oo ay la kulantay HOL ayaa u sheegay in ay nolashooda ku dabaraan dawarsi ama ''tuugsi'' halka kuwa kalana ay sheegeen in ay maalintii oo dhan ku wareegaan xaafadaha dadka ladan si ay uga hellaan shaqada dhardhaqasita, laakiin inta badan laguma guuleysto arintaa iyada ah.


Sikataba nolasha barakacayasha iyo waliba reer miyiga goballka Hiiraan ayaa xiligan ah mid aad u adag, waxaana muuqata in ay baahan yihii gurmad bani'aadanimo oo dhinacyo badan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Soomaaliya