Guddi loo magacaabay inay gargaarka gaarsiiyaan dadka barakacayaasha ah oo maanta lagu dhawaaqay

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Kulan ay ka qaybgaleen ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas lagu magacaabay guddi ka kooban 21-xubnood.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya Cali Axmed Guure oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay waajib in la isku kaashado sidii lagu gargaari lahaa dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

"Waa lagama maarmaan in la isku kaashado sidii dadka loo gargaari lahaa, waxaase habboon in gargaarka la isku ururiyo oo si nidaamsan loo bixiyo," ayuu yiri Guure oo sheegay in kaalmada dadkan la siinayo ay tahay waajib saaran dadka wax haysta oo dhan.

Haweeney ku hadashay magaca ururrada bulshada rayidka ah Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulanka ayaa iyaduna sheegay inay diyaar u yihiin ka ururro ahaa inay gargaar u fidiyaan barakacayaasha ku sugan xeryaha Muqdisho, ayna soo dhaweynayaan in gargaraka la isku kaashado.

"Innagu ka ururro bulsho ahaan waxaan diyaar u nahay in gargaarka la isku daro lana gaarsiiyo dadka dhibaateysan," ayay tiri haweeneyda ku hadashay magaca ururrada bulshada rayidka.

Intaas kaddib ayaa waxaa la xulay guddi 21-xubood ka kooban oo gargaarka loogu talogalay barkacyaasha gaarsiiya, kuwaasoo kulankooda ugu horreeya berri ku yeelan doona magaalada Muqdisho, si ay uga tashadaan qaabka lagu gargaari karo dadka dhibaateysan.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka talisaa degmooyin ka tisran gobolka Banaadir, waxaana dhawaan soo gaaray barakacayaal fara badan oo ka yimid gobollada Koonfureed oo ay abaaraha dalka ka taagani saameyn xooggan ku yeesheen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya