
Axad, July 17, 2011 (HOL) – Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee dalka Britain Andrew Mitchel oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo qaybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa ku dhuwaaqay in Britain ay gargaar bini’aadannimo u fidinayso 1 milyan oo qof oo ku nool geeska Afrika.
Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Nairobi , Mr. Andrew iyo madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF Mr. Anthony Lake ayay ka dayriyeen xaaladda deegaanada ay booqashada ku tageen .
|
|
Xoghaya horumarinta caalamiga ah ee Britain ayaa ku tilmaamay mid laga naxo xaaladda dadkii ay soo arkeen oo uu sheegay inay haysato musiibo bini’aadannimo.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ay Hiiraan Online waydiisay oo ahayd inay Alshabaab kala hadli doonaan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa goobaha ay ka taliyaan ee abaaruhu ay saameeyeen iyo inkale, ayuu xoghayuhu tilmaamay inaysan wax xiriir ah la samayn doonin xarakada Alshabaab, balse ay gargaarka bini’aadannimo u sii marsiin doonaan dadka tabaalaysan hay’adaha ay ku kalsoonyihiin.
Xoghayuhu waxaa uu ku eedeeyay wadamada kale ee reer Yurub inay ka gaabiyeen caawinta dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee Soomaaliya.
Mr. Andrew waxaa uu mahad u celiyay dadka reer Britain oo uu sheegay inay si deeqsinnimo leh ay lacago ugu deeqeen hay’adaha gargaarka markii ay soo baxeen codsiyada lagu dalbanayo gargaar deg-degga ah isagoo sidoo kalana Kenya ku ammaanay furitaanka xerada cusub ee Ifo 2.
Lacagta ay Britain ugu talagashay Geeska Afrika wadamada ku yaal oo ay Soomaaliya xaaladda ugu daran ee abaartu ay ka jirto ayaa lagu sheegay inay tahay 52.25 milyan oo pound , taasoo inteeda badan gargaar loogu fidinayo dadka Soomaaliyeed oo Britain ay sheegtay inay gaarsiinayso gargaarka 500,000 oo ay ku jiraan 70,000 oo carruur ah , kuwaasoo ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa Hay'adda UNICEF Anthony Lake Nairobi, Kenya 17.JULY.2011 - Photo: Ahmed Abdisamad (HOL)
Waxaa kale oo Britain ay sheegtay inay gargaar u fidinayso 130,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Madaxa hay’adda UNICEF Anthony Lake ayaa isna ku baaqay in gargaarka si degdeg ah loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu sameeyeen,gaar ahaanna caruurta oo uu sheegay inay la liitaan nafaqo darro halis ah.
Anthony waxaa uu uga mahad celiyay Britain taageerada ay siiso caruurta Soomaaliyeed , iyadoo u sii marinaysa hay’adda UNICEF ee qaramada midoobay u qaabilsan baxnaaninta caruurta.
UNICEF waxay aad uga dayrisay xaaladda ay ku suganyihiin dadka ay abaaruhu aafeeyeen, iyadoo ka codsatay beesha caalamka inay labo jibbaaraan gargaarka ay siin jireen Soomaaliya.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya
