Xukumadda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo kama dameys ah u qabtay isticmaalka baasaboorka

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay maanta shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeya 30-ka bisha Oktoobar ee soo socota aan la isticmaali doonin baasaboorka cagaaran, waxaana shacabka loogu baaqay inay qaataan baasaboorka cusub ee E-passpor-ka ah.

Arrintan ayaa lagu sheegay shir jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen Muqdisho agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cismaan Maxamed Aadan iyo taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.

"Annagoo fulinayna amarka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee DKMG ah, wixii ka dambeeya 30-ka Oktoobar ee sannadkan lagama isticmaali doono dalka oo dhan baasaboorkii cagaarnaa," ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow.

Taliyaha waaxda socdaalka, wuxuu sheegay inuu weli shaqeeyo baasaboorkii hore inay la mid tahay dalka aan qaribno - dunidana aan qaribno, isagoo xusay inay jiraan dad yar oo doonaya inay dano gaar ah ku ilaashadaan baasaboorkii hore.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Cismaan Aadan ayaa isaguna sheegay in dowladda KMG ah ay hubisay in meel walba laga heli karo meel walba gudaha iyo dalka iyo dibaddiisa, sidaa daraadeedna ay soo saartay inaan la istimcaali doonin baasaboorkii hore.

"Dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay xaqiijisay in meel walba laga heli karo baasaboorka cusub ee E-passport, waxaana kula talinaynaa in shacabku ay kaas qaataan oo ay ka tanaasulaan isitcmaalka baasaboorkii hore," ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda arrimah dibadda.

Jen. Gaafow ayaa sheegay in dadka ku sugan gudaha dalka ay ka qaadan karaan baasaboorka cusub meesha ay joogaan, kuwa dibadda ku suganna ay ka heli karaan safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka ay joogaan xittaa Shiinaha.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in toddobaadkan gudihiisa laga furi doono Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarun gobolka Mudug, goob laga qaato baasaboorka cusub ee Soomaaliga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya