Axad, July 17, 2011 (HOL) – Wasiirka wafaafinta DKMG ah ayaa sheegay in meel gabo-gabo ah ay marayso magacaabista golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda dowladda ay ku jiraan wadatashiyadii ugu dambeeyay ee lagu soo magacaabayo xukuumadda.
C/kariin Xasan Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin caqabad hortaagan magacaabista golaha wasiirrada, balse ay jiraan farsamooyin yar-yar oo la dhameystirayo.
"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku jiraa wadatashiyadii ugu dambeeyay, xilli dhow ayuuna ku dhawaaqi doonaa golaha wasiirrada," ayuu yiri wasiirka wafaafinta DKMG ah.
Dhowr jeer ayaa waxaa dib u dhacyo ku yimid magacaabidda golaha wasiirrada, iyadoo la sheegayo inuu jiro muran ku saabsan xubnaha golaha wasiirrada, kaasoo u dhexeeya madaxda DKMG ah.
Il wareed lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay HOL ayaa sheegaysa in maalinta Isniinta ah aysan dhaafayn magacaabista golaha wasiirrada, waxaana ishan wareed ay inoo sheegtay in shalay lagu dhawaaqi lahaa golaha wasiirrada, balse ay dib u dhacday, mana jirto sifo arrintaas ku saabsan oo la ogyahay.
Dhanka kale, wasiirka warfaafinta DKMG ah wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka Muqdisho, isagoo xusay in dhwaan ay ciidamada dowladdu howlgallo ka billaabi doonaan billaaban Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdish, Soomaaliya