Axad, July 17, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in ciidamada DKMG ah ay hubka la dhexmaraan gudaha Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay howl-gelin doonaan ciidammo ka hortaga in hubka lagu dhex qaato degmooyinka ay ka taliyso dowladda.
Mudane Tarsan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay inay socdaan dadaallo lagu soo celinayo bilicdii caasimadda Soomaaliya.
"Waxaa naga go'an inaan adkeynno ammaanka degmooyinka ay dowladdu ka taliso, in amniga la sugana waxaa hormuud u noqonaysa in la xakameeyo ciidamada hub ku dhex-wata degmooyika ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho," ayuu yiri Tarsan.
Guddoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho, wuxuu intaas ku daray inay dhawaan howlgelin doonaan ciidammo ka hortaga hubka lagu dhexqaato gudaha Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay inay qaban doonaan cid walba oo ay arkaan iyadoo hub la dhexmaraysa magaalada.
Hadalka guddoomiyaha gobolka ayaa imaanaya iyadoo falal ammaandarro ay ka taagan yihiin degmada Xamarweyne oo ah halka ay ku taallo xarunta maamulka gobolka, ayna ciidammo ka tirsan maamulka gobolku dhac u geysteen xarun ay shirkad xawaaladeed ku lahayd degmadaas.
Dhaca ay ciidamada dowladdu geysteen ayaa xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub, isagoo sheegay in maamulkiisu uu ku dabo-jiro askartii falka dhaca ah geystay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdish, Soomaaliya