Khamiis, 04 February 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Switzerland, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Somaliland.
Warsaxaafadeed arrintaa la xidhiidha oo Afhayeenka Madaxweyne Rayaale soo saaray, ayaa wuxuu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay Casho Sharaf ugu Sameeyay Qasriga Madaxtooyadda Wefti ka socda Dalka Switzerland.
Waftigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo hogaaminaayo Danjiraha Dawlada Switzerland uga wakiila Dalka Suudan iyo wadamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxay xalay is dhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhinacayo badan taabanaaya, ku waas oo ay ka mid yihiin, sii xoojinta xidhiidhka labada Dal, Mashaaricda Horumarinta iyo halka ay marayaan arrimaha xaaladaha Siyaasadeed ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer waftiga warbiximo uga siiyay marxaladihii kala duwanaa ee geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland ay soo martay tan iyo intii qaranimadeeda ay kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Somali-republic.
Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xaga nabad gelyada waxa uu yidhi, ‘Somaliland waa wadanka kali ah ee Mandaqada Geeska Africa ee gacanta ku dhigay Argagixiso iyo Budhcad Badeed, maantana ay jeelasha ku xidhan yihiin ka dib markii lagu helay dambiyadii foosha xumaa ee ay Dalka ka galeen. Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan Caalamka intiisa kale ka helin wax taageero ah.” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa uu Carabka ku dhuftay in hada Somaliland ay u baahantahay taageerada Caalamiga ah gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyada oo aynu ka warqabno wakhtigan aynu ku jirno Dagaalada iyo nabad gelyo Xumida ka taagan Mandaqada.
Madaxweynuhu isagoo ka hadlaaya arimha Ictiraafka waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay wax alaale wixii looga baahnaa Dawlad Qaran ah oo la aqoonsanyahay, hase yeeshee uu Caalamku u hortaaganyahay arimo ku tacaluuqa dhinaca Siyaasadda.
Gaba gabadiina waxa uu madaxweynuhu waftiga u sheegay in uu ku rajo wayn yahay in Doorasho Xor ah oo xalaal ah ay Dalka ka qabsoomto sidii kuwii hore ee Dalka ka dhacay. Waxana uu sheegay in Gudida Komishanku ay iyagu u Madaxbanaan yihiin in ay ku dhawaaqaan wakhtiga Doorashadu ay qabsoomid doonaan.
Weftigaasi ka socda Dawlada Switzerland intii ay joogeen Dalka waxa kale oo kulama kala duwan ay la yeesheen Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adda kale oo Dalka ka hawl gala. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen Mashaariicda Horumarta ah ee Hay’adda swiss-Group ay ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan.
Marti qaadkaasi xalay Madaxweynuhu u sameeyay Weftigaas waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane, Husein Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdiraxmaan Sagal iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibada Mudane Ahmed Aaden Ismaaciil (Keyse).”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland