Wargeys kasoo baxa dalka Itoobiya oo shaaciyay in saraakiil la-taliyeyaal ah oo u dhashay dalka Eritrea lagu waayay Soomaaliya

Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Sida uu qoray wageyska Ethiopian-Journal ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta shaaciyay in saraakiil la-taliyeyaal ah oo u dhashay dalka Eritrea oo muddo dheer ku sugnaa Soomaaliya la la’yahay.

Wargeyskan oo soo xiganayay ilo wareedyo uusan magacaabin ayaa sheegay in sarkiishan ay muddo dheer ku sugnaayeen Soomaaliya isla markaana ay tababarro iyo talooyin siin jireen ururka Xisbul Islaam ee uu hoggaaminayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Col. Saciid Cali iyo Cap. Tekle Woldu oo ah saraakiisha ayaa la sheegay in bishii lasoo dhaafay ay labada sarkaal tageen Hargeysa iyagoo ka tagay Muqdisho, isla markaana aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.

Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in saraakiil ku dhow Sheekh Xasan Daahir ay u sheegeen in labadan sarkaal ay muddo tababarro siinayeen ciidamada, ayna kala talinayeen madaxdooda dagaallada.

Warkan ayuu sheegay wargeysku inuu waji-gabax ku yahay dowladda Eritrea oo dhowr jeer oo hore iska diiday inay saraakiil ciidamo ah u dirtay dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay taageerto kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Sheekh Shariif.

Dowladda Soomaaliya, Eritrea, Xisbul Islaam iyo Somaliland ayaan weli ka haldin arrintan, waxaase wargeysku uu dhowr jeer ku celiyay in wararkan uu kasoo xigtay ilo wareedyo gaar ah oo lagu kalsoon yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya