Qarax dhimasho keenay oo ka dhacay Laascaanood iyo Isgaadhsiinta oo toddobaadkii u dambaysay ka go’an Magaaladaas

Khamiis, 04 February 2010 (HOL)- Hal qof ayaa dhintay ka dib markii uu Qarax xoogan xalay ka dhacay magaalada Laascaanood.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), qaraxan oo dhacay xalay abbaaro 8:30-kii ka dhacay Laascaanood, ayaa Cidamada ammaanku xalayba isku xeereen goobtii uu qaraxu ka dhacay, isla markaana ay dadka ka horjoogsadeen inay goobtaa ku ururaan, si aan loola beegsan Qarax kale. “Subaxnimadii waxaanu halkaa ka helnay Maydka ninkii waxyaabahan qarxa dhigayay, waxaananu gacanta ku haynaa caddaymo uu ka mid yahay Telefoon dhinac ka Mobile ah, dhinaca kalena Remote (aaladda wax meel fog lagaga hago) ka ah iyo waraaqo.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha oo la la hadlay BBC Laanta Afka Soomaaliga.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Laascaanood ka dhacayay qaraxyo khasaare geystay, kuwaasoo Ciidanka amaanku tiro dad ah u xidhxidheen.

Ilaa Jimcihii todobaadkan, magaalada Laascaanood waxa ka go’an Isgaadhsiinta , gaar ahaan khadadka telefoonka gacanta ee Mobile-ka iyo Internet-ka.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland