Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in maalmaha soo socda ay weerarro ku qaadi doono Gobollada ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda

Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay dhawaan weerarro ku qaadi doonto gobollada ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda siyaasad ahaan ee dagaallada kula jira.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Max'ed Ibraahim Xaabsade oo warbaahinta Muqdisho la wareysi siiyay ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go'an tahay inay la wareegto gacan ku haynta dalka oo dhan.

"Dagaallo ayay xukuumaddu ku qaadi doontaa dhammaan Gobollada ay maamulaan kooxaha kasoo horjeeda, waxaana dowladdu ay dhameystirtay diyaargarowgeedii" ayuu yiri Wasiirka Beeraha oo aan sheegin maalinta ay ramsi ahaan dagaalladu u bilaabanayaan.

Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo gacanta ku haya Gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaada Dowladda iyo AMISOM.

"Gobollada la weerari doono waxaa ka mid ah: Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo, Shabeellada dhexe, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Hiiraan" ayuu yiri wasiirka beeraha, isagoo sheegay in loo sameyn doono maamullo dowladda hoostagaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmeda ayaa Muqdisho ka sheegay todobaadkan bilowgiisii in dowladdiisu ay salka dhulka la heshay ayna u diyaargarowday sidii ay gacan ku haynta dalka oo dhan ula wareegi lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya