Burcadbadeed Soomaali ah oo afduub ku qabsaday Makab ganacsi oo laga leeyahay dalka Liibiya oo watay calanka Waqooyiga Kuuriya

Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Libya watana calanka dalka Waqooyiga Kuuriya oo lagu magacaabo MV Rim ayay burcadbadeed Soomaali ah u qabsadeen afduub, xili uu marayay badda cas.

Andrew Mwangura oo ah madaxa Ururka ilaalinta badmaaxiinta Bariga Afrika ayaa u sheegay Warbaahinta in markabka loo maleynayo in kooxaha afduubay ay la aadeen biyaha Maamul Goboleedka Puntland.

"Markabka waxaa la socday 17-shaqaale ah oo u dhashay dalalka Romania iyo Libya" ayuu yiri Mwangura oo ku sugan Mombassa, iyadoo sarkaal kale uu sheegay in markabka la afduubay Talaaladii.

Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ah ayay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay gacanta ku dhigaan markab laga leeyahay dalka Libya, iyadoo Madaxweynaha Libya uu horay u sheegay in Burcadbadeedu ay tahay dhalliyaro difaacanaya xeebahooda.

MV Rim oo wada 4,800-ton oo shixnado ganacsi ah ayay saraakiisha ciidamada Atalanta ee la dagaalanka burcadbadeeda oo ku sugan Biyaha Soomaaliya ay sheegeen inay ka heleen fariin in la badbaadiyo ah, balse ay ku guulaysan waayeen.

Burcadbadeeda Soomaalida ah ayaa waxay u afduubaan Maraakiibta inay ka helaan lacago fara badan, kuwaasoo mararka qaarkood ay ku dagaalamaan, waxaana haatan gacanta ugu jira 12-Markab iyo 250-shaqaale ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya