Ciidamada Ilaalada xuduudaha dalka Kenya oo gacanta ku dhigay dabley Soomaali ah oo watay labo baabuur

Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Ciidamada Ilaalada xadka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay dabley Soomaali ah oo doonayay inay gudaha u galaan dalka Kenya, xili ay Kenya dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ciidamo fara badan.

Wararka laga helayo xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in dhallinyarada la qabtay ay gaarayaan afar ruux, ayna wateen laba qof iyo gari yar, kuwaasoo lagu qabtay gudaha Kenya loona gudbiyay degmada Wajeer.

Saraakiil ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa saxaafada u sheegay inaan la garanayn sababta keentay in dhallinyaradan ay hub lasoo galaan dalka Kenya, iyagoo carabka ku dhajiyay in
Maxkamad la horgeyn doono.

Mas'uuliyiinta Kenya ma jirto cid ay sheegeen dhallinyaradan inay ka tirsan yihiin, balse Gobollada la tuhusan yahay inay ka talaabeen ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda Dowladda Soomaaliya.

"Baabuurka ay dhallinyaradan wateen waa la baaray waxaana laga helay laba qori oo lagu qariyay, haatan waxay ku xiran yihiin xabsiga Wajeer" ayuu yiri goobjooge Soomaali ah oo ku sugan degmadaas.

Qabashada dableydan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan kooxo hubeysan ay kasoo dhaceen Magaalada Mandheera oo ku dhow xadka gaari uu leeyahay Bankiga dalka Kenya, kaasoo weli lagu haysto gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya