Khamiis, February 04, 2010(HOL): Kaddib markii uu saddex maalmood ka qayb galayey shirkii Madaxda Midowga Africa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu galabta ku soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynaha oo ka warramayey waxyaalihii uga soo qabsoomay Soomaaliya kulankaas Africa waxa uu yiri, “Kal-fadhiga Midowga Africa waxa uu fursad noo siiyey in aan qaddiyadda Soomaaliya fahamsiinno madaxda adduunka, iyada oo madaxda Africa iyo madaxdii kale ee shirka yimidba ay noo caddeeyeen in qaddiyadda Soomaaliya ay tahay mid mudan wax ka qabasho deg deg ah oo caalami ah”
Intii ay Addis Ababa joogeen, Madaxweynaha iyo wafdigiisu, waxa ay la kulmeen madaxweynayaal, ra’iisul wasaarayaal, madaxweyna Kixigeen iyo wasiirro Arrimo Dibadeed ka kala socdey in ka badan 20 waddan iyo madax ururro caalami ah, kuwaas oo dhammaan Soomaaliya u ballan qaaday gurmad deg deg ah.”
Agaasinka Warfaafinta
Email: [email protected]