![]() |
| Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle |
Geelle oo ku sugnaa todobaadyadii lasoo dhaafay Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegay in dalka Eritrea uu weli kaalmooyinka kala duwan ku taageero kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
"Xarrakatul Shabaab waxay ka mid tahay kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya, waxayna gargaaro isugu jira hub, lacag iyo qalab kale ka helaan dalal dhowr ah iyo ururro ay xiriir wanaagsan leeyihiin" ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in kooxaha ay gacanta ku hesho ay ka mid yihiin Al-Qaacida iyo Xuuthiyiinta Yemen.
Wasiirku wuxuu sheegay in qalabka ay hesho Xarrkatul Shabaab ay kasoo dagaan garoomo iyo dekedo ay gacanta ku hayaan, gaar ahaan Gobolka Jubbada hoose oo uu sheegay inay ku xooggan yihiin.
Su'aal ahayd sababta ay Eritrae u taageerto kooxaha Dowladda kasoo horjeeda oo la weydiiyay Wasiirka Wafaafinta Soomaaliya Daahir Max'ud Geelle ayuu kaga jawaabay: "Haddii aan ogaan lahayn waxa Eritrea ay ka doonayso Soomaaliya, waan ka heshiin lahayn, balse maba garanayno waana wax aan loo jeedin".
Daahir Geelle wuxuu ku sheegay dhibaatada ka jirta Soomaaliya inay tahay mid ka duwan kuwii hore, isagoo sheegay in Al-Qaacida ay gacanta kula jirto arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taasna ay tahay mushkiladda ugu weyn ee haysata Dowladda.
"Qalalaasaha Soomaaliya wuxuu soo maray heerar kala duwan, waxaana ka mid ah xilli ay dagaallamayeen hoggaamiye kooxeedyo, xilli ay Itoobiya ciidamo gelisay iyo kuwo la mid ah, kuwaasoo dhammaantood burburiyay maamulladii la dhisay" ayuu yiri Wasiirka Wafaafinta Soomaaliya oo sheegay in Dowladdu ay u diyaagarowday inay iska difaacdo kooxaha kasoo horjeeda.
Mar la weydiiyay inuu isbarbardhig ku sameeyo kooxaha ka dagaalama dalka Yemen iyo kuwa Soomaaliya, ayuu sheegay inaysan isku ujeeddo ahayd, isagoo xusay in Xuuthiyiintu aysan lahayn ujeeddo la mid ah midda Xarrakatul Shabaab.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa ka dalbaday dalalka calaamka inay dowladdiisa gacan ka siiyaan sidii ay ugu guulaysan lahayd inay nabad kusoo dabaasho Soomaaliya oo dhan, isagoo carabka ku dhuftay in dhaqaalihii horay loo yaboohay la siiyo dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
