Hay'adda MSF oo ugu baaqday dhinacyada isaga oo horjeeda Siyaasada Soomaaliya in ay ka fikiraan dhibaatada soo gaareysa dadka rayidka ee aan waxba galabsan.

Khamiis, Feb, 4, 2010 (HOL) Hay'adda ay leeyihiin dhaqaatiirta aan Xuduuda laheyn ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan MSF ayaa Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho waxaa ay daaweyn Caafimaad ugu sameyneysaa in ka badan 89 ruux oo qaba dhawacyo ka soo gaaray dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho 29-January ilaa laga soo gaaro 2-dii bishan aynu ku jirno.
 
Sida ay Hay'addu sheegtay 52 ka mid ah dadkaasi waa Caruur iyo Haween qaba dhaawacyo kala duwan kadib markii madaafiicdii la adeegsanayay ay ugu tageen deegaannadii ay ku noolaayeen qaarkoodna waxaa dhaawacyo halis ah gaarsiiyay rasaas habow ah sida lagu sheegay warbixinta Hay'adda MSF.
 
Warbixinta Hay'adda ayaa lagu sheegu sheegay in dadka dhaawacyada qaba ee 72 saac gudahood loo keenay muujinayaan ixtiraam la'aanta ay u hayaan shacabka kuwa dagaalamaya sidaana waxaa tiri madaxa ergada MSF gabadha lagu magacaabo Axelle de la mootte St, pierre, oo dhinaca kale sheegtay in aan loo dulqaadan karin duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu garaaco goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.
 
Sidoo kale Hay'addu waxaa ay sheegtay ku dhawaan 1.137 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaa oo lagu qaabilay Isbitaalka Diyniila Sanadkii 20009 in kala bar ay ahaayeen Haween iyo Caruur da'doodu ka hooseyso 14 Sano.
 
Hay'addu waxaa ay ugu baaqday dhamaan kooxaha isku haya Siyaasada Soomaaliya sida Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM, iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee hubeysan in ku dadaalaan sidii loo xadidi lahaa dhibaatada soo gaareysa dadka rayid ah ee aan waxba galabsan, iyada oo la raacayo nidaamka kala soocda dadka dagaalamaya iyo rayidka islamarkaana meesha laga saaro adeegsiga awood xad ka baxa ah.
 
MSF waa hay'ad Caafimaad oo madaxbanaan waxaana ay ka shaqeysaa ilaa Sadeed Goball oo ka tirsan dalka Soomaaliya, waxaana ay ka shaqeysaa hay'addu howlaha ay ka midka yihiin siinta daaweyn Caafimaad dadka u baahan, caawinta dadka barakacayaasha ah, qeybinta qaliimada, iyo waliba gaarsiinta biyaha dadka u baahan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]