Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin diyaargarow ay Dowladdu ugu jirto dagaal, gubashadii Bakaaraha iyo ciidamo lasoo dhoobay xadka Soomaaliya iyo weliba hadal kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sheekh Cali Dheere oo ku hormaray ka hadalka Gubashadii Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inay guddi u magacaabeen sidii dhaqaale loogu ururin lahaa dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay qaybta shidaalka ee Suuqa.
"Waxaan u magacownay guddi gaar ah oo soo qiimeeya khasaaraha hantida, isla markaana ururiya dhaqaale ganacsatadii khasaaruhu gaaray lagu kaalmeyn lahaa" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, guddiga ayuu sheegay inuu madax u yahay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah Saraakiisha Xarrakatul Shabaab.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaal ay dowladdu doonayso inay ku qaaddo goobaha ay maamusho Kooxaha Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda isagoo sheegay in hadalkaas uusan waxba ka duwanayn kuwii hore.
"Hadalka Dowladda waa mid aan waxba ka duwanayn kuwii hore, dhowr jeer oo hore ayay sheegeen hadallo noocaas oo kale ah, maalmo dhaweyd waxay sheegeen inay soo afjarayaan dagaallada 30-ka Jannaayo, waxbana ma sameyn" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale Afhayeenka Xarrkatul Shabaab wuxuu ka hadlay ciidamo ay Dowladda Kenya soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya isagoo sheegay inaysan tallaabadaas iyagu fahamsanayn, balse ay ula dhaqmayaan sidii ay ula dhaqanto.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa in Xarrakatul Shababa ay uga baxeen ballan ahayd inaysan ciidamada kala qaadan, wuxuuna ku jawaahay:
"Ma jirto wax heshiis ah oo aan uga baxsanay walaalaheen, sidoo kalena khilaaf nagama dhexeeyo, waxaan diyaar u nahay inaan garabsano oo aan cadowga iska dhicinno".
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya