Abaaro xooggan oo ku dhuftay qaybo ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Gobolka Bari

 Khamiis, February 04, 2010(HOL): Abaaro aad u xoog badan ayaa ku dhuftay tuulooyin badan oo hoostaga gobolka bari,iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid u gurmatay.

 

Tuulooyinka sida ba,an abaaruhu u saameeyeen waxaa ka mid ah Bargaal,Ceelaayo iyo qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag sida Laasqorey.

 

Duqa degmada Baargaal oo dhawaan la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in aysan helin kaalmadii loogu tala galay,waxaana uu eedayn dusha kaga tuuray Maamulka gobolka.

 

Waxaa kaloo uu sheegay in xoolo badan ay u dhinteen biyo la,aan darteed ,Isagoo ka digay dhibaatooyin hor leh oo ka dhasha abaaraha halkaasi ka jira oo uu ka mid yahay cudurka shuban biyoodka.

 

Abaaraha ka jira meelo ka mid ah Gobolka bari ayaa loo aanaynayaa Roobka oo soo daahay iyo ceelal biyo oo aan halkaasi ka jirin,waxaana taasi ay sababtay in qaylo dhaan xoogan ay ka soo yeerto qaar ka mid ah dadka ku dhaqan tuuloyinka hoos taga gobolka bari

 

Ugu danbayntii maamulka Gobolka bari ayaa looga Fadhiyaa in uu kaalmo la gaaro dadka ku nool qaybo ka mid ah gobolka bari ,si aysan dhibaato hor leh halkaasi uga dhalan.

 

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya

More News