Ururka Xisbul Islaam oo ku eedeeyay ciidamada AMISOM inay mas'uul ka ahaayeen gubashadii Suuqa Bakaaraha

Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Waaliga walaayada Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Max’ed Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in gubashadii suuqa Bakaaraha ay mas’uul ka tahay AMISOM.

"Waxaan haynaa cadeymo ku saabsan in AMISOM ay Madafc ku dhufatay goobta shidaalku ku xareysnaa ee Bakaaraha, ,kuwaasoo bas-beelay, ujeedaduna waxay ahayd in la gubo hantida dadka Soomaaliyeed ee taalla Suuqa Bakaaraha" ayuu yiri Macallin Xaashi.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa ka bilaabatay qarax laga maqlay halka uu dabku ka kacay, iyadoo ay ku gubatay hanti lagu qiyaasay 300,000-Dollar oo ahayd mid ay lahaayeen 19-ganacsade oo dhamaantood ku hanti beelay halkaas.

"Dabku khasaare weyn ayuu noo geystay, waxaa naga gubtay ganacsigeennii oo dhan, maantana ma haysano wax dhaqaale ah" ayuu yiri ganacsade ka mid ahaa kuwii shidaalku kaga gubtay suuqa Bakaaraha oo maanta saxaafadda la hadlay.

Macallin Xaashi Max’ed Faarax wuxuu sheegay in ururkooda iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha ay kulamo la leeyihiin kaasoo ku aaddan in shidaalka laga raro suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay inay doonayaan inay u sameeyaan suuqa gaar ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ururka Xisbul Islaam wuxuu dhanka kale xusay in ururkooda uu qayb ka noqon doono kuwa hantida u ururinaya ganacsatadii ay hantida badan kaga gubatay suuqa, kuwaasoo u badnaa shidaal.

Ururka Xisbul Islaam ayaa ka mid ah ururrada Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaallada ay uga horjeedaan Dowladda iyo AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya