Xarakada Alshabaab ee Kismaayo oo sheegtay in ay gurmad u direen Dagaallada Muqdisho

Khamiis, August 26, 2010(HOL): Wilaayada islaamiga ah ee degmada Kismaayo ayaa maanta shaaca ka qaadday in ay gurmad u direen dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee ay isaga soo horjeedaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacan ka heleysa Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin dagaallada ka socda magaalada Muqdisho isagoona sheegay in ay gurmad xooggan u direen magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalladaasi.

"Taageero ayaan had iyo jeerba la garab taagan nahay ciidamada Mujaahidiinta ee ka dagaallamaya magaalada Muqdisho," ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Dhanka kale waxaa muddooyinkan danbe ka socday magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba degmooyinka ku yaal gobollada Jubbooyinka kulamo ay yeelanayeen maamulka xarakada Alshabaab ee Jubbooyinka iyo odoyaasha dhaqanka ee ku nool degmooyinkaasi kuwaas oo looga arinsanayay sidii loo taageeri lahaa dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya