"Waxaan horay ugu baaqnay haddana aan ku celinaynaa in dagaallada la joojiyo, si loo baajiyo dhiigga dadka shacabka ah ee qubanaya," ayuu yiri guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay saxaafadda Muqdisho.
Mudane Xaad, wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaallada isaga soo horjeeda inay soo fariistaan miiska wadahadallada, ayna koox walba sheegato waxay u dagaalamayso si xal looga gaaro dagaallada ay dadka badan ku dhinteen, kuwaasoo weli ka socda Muqdisho iyo dalka oo dhan.
"Dagaal muddo dheer ayaa lagu soo jiray, mana jirto wax xal ah oo lagu gaaray, waxaana qabaa in dagaal aan lagu gaarayn xal, kooxaha dowladda kasoo horjeeda si gaar ah ayaa uga codsanayaa inay dagaalka u joojiyaan nabadna ay qaataan," ayuu Xaad u sheegay warbaahinta.
Nabadoonku wuxuu tacsi u diray dadkii ay ehelladooda ku dhinteen dagaallada iyo weerarkii lagu qaaday Hotel Muna halkaasoo lagu dilay tiro ka mid ah xildhibaanada dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ah, wuxuuna inta dhaawacmatay u rajeeyay caafimaad.
Odayaasha dhaqanka Beelaha Muqdisho ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in colaadaha ka taagan dalka la joojiyo, laguna badalo wadahadal iyo nabad, wuxuuna Xaad sheegay inay rajo ka qabaan in baaqoodan ugu dambeeyay la qaato laguna joojiyo dagaallada socda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya