Khamiis, August, 26, 2010 (HOL)-Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Beeldaaje Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu jiro diyaar ku aadan samaynta gole deegaan oo ay Bosaaso yeelato mudo ka dib."Waxaa si rasmi ah u bilowday olaha musharaxiinta golaha degaanka ee Bosaso ,si loo hagaajiyo xiriirta maamulka iyo shacabka" ayuu yiri Duqa oo u waramayay warbaahinta gudaha.
Duqa degmada ayaa tilmaamay in maamulka Bosaaso uu meesha ka saari doono khilaafaadyo horey u jiray ,kuwaasi oo hada ka hor laga dareemay gudaha degmada una dhaxeeya maamulka gobolka iyo kan degmada.
"Habka ay golaha deganka u shaqayn doonaan ,waxaa masuuliyadeeda iska leh oo soo xulaya wasaarada arimaha gudaha " ayuu hadalkiisa sii raaciyay duqa isaga oo ku sugan Bosaaso.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Jaamac Ilkajiir ayaa isna sheegay in beellaha ka qayb galaya golaha deegaanka ay soo xuli doonto wasaaradiisa oo kaashanaysa odayaasha,waxaana golihii deeganka ee horay u jiray kala diray madaxwaynaha ka dib khilaaf la xalin waayay oo soo kala dhex galay.
Ugu danbayntii maamulada gobolada iyo degmooyinka Puntland ayaa bilaabay qorshe ay wax kaga badalayaan habka ay hada u shaqeeyaan ,waxaana arintan wada wasaarada arimaha gudaha ee Puntland
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Boosaaso,Soomaaliya