"Dagaalka oo ay iska garabsadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa lagu dilay tiradaas ka tirsan Xarrakatul Shabaab, waxaana ka mid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Mortar," ayaa lagu yiri warsaaxafadeedka oo uu ku saxiixnaa wasiirka wafaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow].
In ka badan 70-qof ayaa lagu dhaawacay dagaalkii shalay dhacay oo keliya, kaasoo ahaa kii ugu xoogganaa ee dhexmara dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.
Xukuumadda ayaa sheegtay in dagaalladaas lagu dilay 70-qof oo shacab ah, laguna dhaawacay 200-qof oo kale, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen shacab oo qaarkood aad u dhaawacmay, dhammaantoodna lagu daweynayo isbitaallada Muqdisho.
"Waxaan la soconnaa in Xarraatul Shabaab ay gashay diyaargarow ay ku doonayso inay weerarro ku qaado, waan la soconnaa waxa ay doonayaan inay sameeyaan, innaguna waxaan sameynaynaa wixii aan awoodno innagoo kaashanayna AMISOM," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Inj. C/raxmaan Yariisow, wuxuu sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uu horay ugu baaqay in la joojiyo dagaallada, balse Xarrakatul Shabaab ay go'aansatay inay dagaallada xoojiso bisha Ramadaan, balse way ku guuldareysteen wixii ay filayeen.
Wasiirku wuxuu ku eedeeyay kooxaha kasoo horjeeda xukuumada KMG ah inaysan ku ekaanayn weerarada ismiidaaminta ah, balse ay qorsheynayaan weerar gaadmo ah, duqeyn iyo waxyaabo kale oo dhibaatooyin taagan sii xoojinaya.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana dhawaan ay Xarrakatul Shabaab sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu qaaday hotel oo lagu dilay 33-qof oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya