Iskahorimaadyo khasaare geystay oo xalay Muqdisho ku dhexmaray dowladda KMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda

Khamiis, August 26, 2010 (HOL) − Iskahorimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay ka dhacay degmada Waaberi iyo isgoyska ex-koontarool Afgooye, iyadoo ciidamada dowladdu ay soo bandhigeen maydadka laba qof oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Xarrakatul Shabaab.

"Afar qof oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar nagu soo qaaday, waxaana ka dilnay halkan qof ee aad maydkiisa arkaysaan intii kalena way baxsadeen," ayuu yiri L/xiddigle Cabdi Duullane Xirsi oo ah taliyaha ciidamo saldhig ku leh agagaarka iskuulkii 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi.

Sarkaalkan kama uusan hadlin khasaaraha gaaray ciidamada dowaldda ee uu taliyaha u yahay, waxaana goobta uu saxaafadda kula hadlayay yaallay maydka qof dhintay iyo sidoo kale qori iyo bambooyin la sheegay inuu watay.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan isgoyska ex-koontarool Afgooye oo uu xalay dagaal ka dhacay ayaa soo bandhigay maydka qof kale oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa ciidamadii xalay weerarka kusoo qaaday, kuwaasoo ay ku sheegeen Xarrakatul Shabaab.

Maydka oo la saaray maryo ayaa waxay ciidamadu weydiinayeen dadka la socda gaadiidka ka imaanaya dhinaca deegaannada loo barakacay ee ceelasha biyaha ay ka mid tahay inay yaqaanaan, waxaana si aad ay u baarayeen dadka wata gaadiidka yar-yar ee jidkaas maraya.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen labada qof ee lasoo bandhigay maydadkooda ayaan weli ka haldin arrintaas, waxaana sidoo kale aan la ogeyn khasaaraha ciidammada dowladda kasoo gaaray dagaalladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya