Dagaallo iyo duqeymo maalintii afaraad ka socda Muqdisho iyo barakac ka billowday degmooyinka lagu dagaalamayo

Khamiis, August 26, 2010 (HOL) − Dagaallo iyo duqeymo isbarbar socda ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeya ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Ahlusunna oo isku dhinac ah iyo xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira.

Degmooyinka lagu dagaalamayo oo kala ah Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Boondheere ayaa dadkii yaraa ee ku harsanaa waxay bilaabeen inay isaga barakacaan, iyagoo ku biiray dadkii horay ugu sugnaa duleedyada Muqdisho iyo degmooyinka nabdoon.

"Waxaan kasoo barakacnay degmada Wardhiigley oo maalmihii uug dambeeyay ka socdeen dagaallo iyo duqeymo khasaare kala duwan geystay," ayay tiri hooyo 30-jir ah oo la qaxaysay afar caruur ah oo ay dhashay.

Madaafiic badan aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa saakay ku dhacayay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, kaasoo u xirnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaallo iyo duqeymo u dhexeeyay dhinacyada iska soo horjeeda Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha ee kusii socday suuqa ayaa isticmaalayay jidka warshadaha iyo jidad kale oo xaafadaha dhexdooda ah, waxaana iskahorimaadyadu ay ka socdeen inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo ay xoogagga dirirsan ku sugan yihiin.

Dagaallada kasii socda magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kuwii ugu waqtiga dheereaad ee bilahan ka dhaca caasimadda Soomaaliya, waxaana khasaaraha ugu badan ay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku harsanaa degmooyinka lagu dagaalamay iyo kale oo ay k dhaceen madaafiicda la isdhaafsanayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya