"Saraakiisha ciidamadu waxay soo diyaariyeen qorshe cusub oo wax looga qabanayo ammaanka guud ee dalka, waxaana qorshahaas uu hadda horyaallaan xukuumadda, dhawaan ayaana la fulin doonaa," ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo kula hadlay madaxtooyada xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Madaxweyuhu wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay Hotel Muna Talaadadii uu ahaa mid aan horay uga dhicin Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay caddeyn u tahay in dowladda KMG ah oo keliya aysan waxba ka qaban karin xaaladaha soo kordhaya.
"Weerarkan wuxuu ahaa mid dibadda laga soo qorsheeyay, waana mid aan horay uga dhicin dalka Soomaaliya, horay waa u dhaceen qaraxyo, balse in hotel inta la galo la xasuuqo dadkii ku jiray oo dhan waa mid ku cusub Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya ay tahay mid kasoo bilaabatay burburkii xukuumaddii dhexe ee Milateriga ahayd 1991-kii, isagoo ballan ku qaaday inay dhexda u xirayaan sidii ay amaanka guud ee dalka kusoo celin lahaayeen.
"Dowladda waxaa looga fadhiyaa inay soo celiso ammaanka guud ee dalka, howsheennu ma ahan mid ku eg inaan ammaankeenna dhowrno, balse waxaa nalaga doonayaa inaan xirtaa ka shaqeyno sugidda ammaanka shacabka aan mas'uulka ka nahay," ayuu Sheekh Shariif u sheegay xubnihii uu la hadlay.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ehelladii laga dhintay, isagoo tacsi taas la mid ah u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo xubnaha baarlamaanka, wuxuuna sheegay in la aasay xildhibaannadii dhintay, kuwii dhaawacmayna daweyn loogu qaaday dalka dibaddiisa.
Ugu dambeyn, milkiilayaasha hoteellada Muqdisho ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka si loo sugo ammaanka xubnaha dowladda, wuxuuna sheegay in qofkii ka dheg-adayga ay u arki doonaan kuwo qayb ka qaadanaya dhibaateynta xubnaha dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya