Ardeyda Machadka Daarul Culuum ee Kismaayo oo Sameeyay Bandhig Aqooneed (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis, August 26, 2010(HOL): Bandhigan ay manta sameeyeen ardeyda machadka barashada Culuumta Sharciga ah ee  Daarul Culuum, ayaa waxa uu ka dhacday xarunta machadka oo ku taal xaafadda guulwade ee magaalada Kismaayo.
 
Maamulaha machadka Max’ed Cigaal Taakow ayaa ugu horeyn halkaasi qudbad dheer kasoo jeediyay isagoona ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray machadka waxa uuna xusay in machadka la aasaasay sanadii 2006, iyadoo uu sheegay in ay aasaaseen jaaliyado Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka dibadiisa, oo ay madax u yihiin Yuusuf Kaahiye, C/rashiid Dhoof iyo Muxidiin C/qaadir, ilaa iyo waqtigaasna ay iyagu gacanta ku hayeen baahida guud ee machadka.
 
Ardeyda machadka Daarul culuum ayaa halkaasi ka sameeyeen bandhig aqooneed ay ku muujinayeen waxyaalihii la baray, iyadoo ay ardeydu halkaasi ku soo bandhigeen baranaamij kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii ay barteen.
 
Max’ed Cigaal ayaa sheegay in waxbarashada machadka ay ugu  talogaleen mudo 2 sano ah islamaraasina ay ka koobantahay 3 nooc oo kala ah:- qeybta Alifleyda, qeybta hingaadda, heerka 1aad iyo heerka 2aad, waxaana uu sheegay in ay machdka wax ka dhigaan macalimiin gaareysa lix macalin.
 
Maamulaha ayaa ugu danbeyntii ka codsaday jaaliyadda ku dhaqan dalka dibadiisa islamarkaasina gacanta ku haysa machadka in ay sii labalaabaan.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya