Khamiis, 26 August, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto ka soo saaray ruqsada xadhiga isgaadhsiinta ee Badda hoosteeda mara.
Kaybalkan Fiber-Optic oo uu muddooyinkii u dambeeyay keenistiisa hirdan ka taagnaa, waxa uu Madaxweynuhu u ogolaaday shirkadda Somcable oo uu leeyahay ganacsade Somaliland-Jabuutiyaan ahi.
Warsaxaafadeed ogolaanshaha Madaxweynaha ku saabsan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xalay la soosaaray, waxa uu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo saaray Digreeto uu ku ogolaanayo Dhaqangelinta Qoraalka uu madaxwaynihii hore Ruqsada keenista Kaybalka Bada mara ku siiyay Shirkada Somcable Ka dib:
Markuu Arkay Codsiga uu soo qoray Maamulaha Shirkada Somcable ee ku taariikhaysan 05-082010, Markuu arkay;- Warqada ogolaanshiiyaha ee ka soo baxday xafiiska Madaxwaynha 15-08-2010 ee ku saabsanayd Ruqsada kaybalka bada mara ( Submarine Cable ) ee ay bixisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo la bixiyey 07- November 2009.
Markuu arkay Jiwanka Cashuur qabashada (Voucher 066606) ee wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta. Markuu arkay: Shahaadada (Certification) ogolaansha dhigista iyo dhisida kaalinta laga isticmaalayo Submarine Cable. Markuu arkay;- Muhiimada dhaqaale iyo hurumarineed ee uu wadanka u leeyahay xadhiga badda mara ee Fiber Optic Cable-ku, Madaxwaynuhu waxa uu ogolaaday Dhaqangelinta qoraalka hore uga soo baxay xafiiska madaxwaynaha JSL ee lagu siiyey ogolaanshaha shirkada Somcable Ruqsada keenista Kaybalka Badda mara (Submarine Cable) taas oo ku salaysan Xeerarka Dalka iyadoo loo raacayo Dastuurka iyo Xeerarka ka Farcama.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.