Khamiis, August, 26, 2010 (HOL) Dhawaan ayeey aheyd markii uu maamulka Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ee magaalada Beledweyne albaabada isugu dhufteen in badan oo ka mid ah goobaha ganacsiga magaalada, kadib markii lagu eedeeyay in lagu keydiyay raashin sida uu maamulku sheegay ay leedahay hay'adda WFP.
Laakiin kulan dhaxmaray ganacsatada magaalada iyo maamulka Xarrrakada Shabaabul Mujaahidiin ee magaalada Beleledweyne ayaa ugu danbeytii leysku afgartay in magaalada muddo 24-saac gudahood ah ganacsatadu uga saarto dhamaan wixii raashin ah oo ay ku taalo calaamada WFP ama USAID.
''Waa qaadanay amarka ka soo baxay maamulka ee ah in aynu ka saarno magaalada dhamaan wixii raashin ah oo laga hello calaamada WFP iyo USAID, waxaan sidoo kale aqbalnay in aan bixino dhaqaalaha ganacsatado maamulku raashinkii ay lahaayeen ay qaybiyeen,'' ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada magaalada Beledweyne oo waqtigaa ku howlanaa daabulida raashin isugu jirray Masago, iyo Boolarsh.
Mar HOL ay weydiisay ganacsatada halka ay geynayaan raashinka marka ay Bakhaarada ka saaraan waxaa ay sheegeen in ay u daabulayaan goballlada dariska la ah goballka Hiiraan sida goballada Galgaduud iyo Mudug oo siweyn looga isticmaalo, iyaga oo dhinaca kale sheegay in ay khasaarro ku qabaan.
Marka aad booqato goobaha ganacsiga magaalada waxaa ay idhahaagu qabanayaan mashquul aad u weyn oo ay ku jiraan ganacsatada qaarkood kuwaasoo xooga saaraya in ay Bakhaarada ka saaraan raashinka ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo qabtay, waxaana aad arkeysan gadiid habeen iyo maalin ku howlan daabulida raashinka WFP iyo USAID oo siweyn ay u isticmaali jirreen dadka dan yarta ee ku dhaqan goballka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya