Khamiis, 26 August, 2010 (HOL)- Labada Mudane oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku farosaaray shir ay ku lahaayeen xaruntooda Hargeysa.
Labadan Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Ibraahim Axmed Haybe, kana wada tirsan guddi-hoosaadka joogtada ah, waxay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
“Arrintu waxay ka dhacday ina Xaashi (wasiirka Maaliyadda) – waxaanu isku maandhaafnay aynu u yeedhno iyo saddex todobaad buu meesha joogay, mushaharooyinkii waa kan bixinaya, dayn badan baa lagu leeyahay, wax aynu imika ugu yeedhnana ma haynee aynu dib u yara dhigano, dabadeedna markaas buu caytamay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiye kuxigeenka guddi-hoosaadkaas. “Guddi ahaan baanu shir lahayn, shirkana anigaa gudoominayay,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe uu ku doodayay in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Somaliland. “Waaba loo yeedhayaaye, hadalka iyo doodan aan muhiimka ahayn inaga daa baan ku idhi, dabadeedna intaas buu ka xaqaanay, ka dibna Feedh buu igu dhuftay, waxbana ima yeelin oo waa nala kala qabtay,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. “Ismaandhaaf uun bay ahayd, had iyo jeerna Xildhibaanadu way isku qayliyaan, wax mushkilad ahina meesha ma taalo,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay waxa ay ugu dambayn ku dhameeyeen arrinta u yeedhista wasiirka Maaliyadda ee gacan-ka-hadalka Xildhibaanadu ka dhashay, waxa uu sheegay inay wasiirka u yeedhi doonaan Salaasada dambe, si ay guddi ahaan wax uga waydiiyaan arrimaha Maaliyadda dalka.
Labada Xildhibaan ee is farosaaray, waxay ka wada tirsan yihiin xubnaha golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxayna ka soo wada baxeen gobolka Hargeysa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.