Khamiis, August 26, 2010(HOL): Maamulka xarakada Alshabaab ee degmada kismaayo ayaa maanta si rasmi ah haweenka uga mamnuucay ka ganacsiga qaadka kadib markii ay dhamaatay mudadii uu hore maamulku ugu qabtay.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 26/08/2010, aan la arki karin haween iyagu ka ganacsanaya qaadka, maadama buu yiri ay dhamaatay mudadii aan ku qabannay haweenka reer kismaayo in ay ku joojiyaan islamarkaasina lacagahooda kala baxaan ganacsiga qaadka.
"Ciidamada xizbada ayan ka howgelineynaa gudaha magaalada kismaayo, haweeneydii lagu soo qabto iyada oo qaadka iibineysana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka," ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub
Hadalkan kasoo yeeray maamulka degmada kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay shalay ku ekayd mudo 45 maalmood ah oo uu maamulku hore ugu qabtay haweenka ka ganacsada qaadka ee ku dhaqan magaalada kismaayo in ay ku joojiyaan ganacsigaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya