4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Madax Sare oo ka Tirsan QM oo Damacsan inuu u Socdaalo Soomaaliya iyo Yemen

Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-Stephen O'Brien, oo jago sare oo dhanka arimaha gargaarka ah ka haya QM ayaa damacsan inuu dhawaan u socdaalo Soomaaliya iyo Yemen.

Stephen O'Brien ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo gaaro dalka Kenya waa sida afhayeen u hadlay QM uu warbaahinta u sheegay shalay.

"Saddexda dalba, Mr. O'Brien wuxuu kula kulmi doonaa dadka sida ba'an dhibaatada baniaadminimo ay u saamaysay  taasoo colaado iyo abaaro ay sababeen," Stephane Dujarric oo ka tirsan QM ayaa sidaa shir jaraaid ka sheegay.

Malaayiin qof ayaa ku dhibban gudaha dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxayna halis ugu jiraan inay ku habsato macaluul baahsan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]