Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka
ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya
dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.
Qaar ka mid ah dadka degmada Marka
ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo aad mid xoogan uu soo socda labadii
cisho ee la dhaafay.
Gaar ahaan dagaalka ayaa saameyn ku
yeeshay deegaannada Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo magaalada Marka ka wada
tirsan.
Guddoomiya ayaa intaa ku daray in uu
jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dhinacyada iska soo
horjeeda.
Magaalada ayaa lagu waramayaa
in dhaqdhaqaaqa ganacsiga uu hakad galay, inta badan dadka rayidka ahna ay ku
jiraan guryahooda, halkaa oo ay gabaad ka dhiganayaan.
Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar warbaahinta la wadaan
xog ku saabsan dagaalka ayaa sheegay in mudo labo cisho ah uu soo socda,
islamarkaana uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beelood oo horay sidan oo kale marar
bada oo hore ugu dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka.
Ugu danbeyntii, waxgaradka gobolka Shabeellaha hoose ayaa
ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf
ahna laga wada hadlo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]