3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2017
Haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al shabaab oo lagu qabtay Muqdishu

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Howlgallo ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay maanta ka sameeyeen degmadda Cabdi-casiis ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ay ku soo qabteen haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al Shabaab.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaaba Leyla Cumar Baaruud waana xaaska sarkaal Ajinabi ah oo u dhashay dalka Itoobiya oo ka bar-bar dagaallama Al Shabaab, sida sirdoonka ay shegeen.

Ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muddo 5 bil ah ka raadinayeen gudaha Magaallada Muqdishu.

Haweeneyda, ayaa la sheegay in ciidmadda ay su’aallo weydiinayaan.

Laylo Cumar Baaruud ayaa ah hooyo labo caruur ah leh.


Hassan Istiila
 












Click here
2/25/2017 12:08 PM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Koox hubeysan ayaa caawa waxaa ay xaafadda Cali Kamiin ee degmadda Warta-Nabada ku dileen Nabadoon Cusmaan Khayre, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay xildibaanaddii laga soo doortay Magaaladda Cadaalo.

2/25/2017 10:35 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL)- Xubnaha Aqlka Sare ee Dalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa ay yeesheen Kalfadhigoodii-koowaad-kulankiisa- lixaad oo ay ku Ansixiyeen laba Hab-dhowre iyo Shan guddi oo u-shaqeyn doona si ku-meelgaar ah.

2/25/2017 10:26 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar labo cisho ah uu ku joogay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu martiqaad rasmi ah ka helay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis.

2/25/2017 10:17 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Magaalada Beledweyne waxaa ka socda mashaariic dib loogu hagaajinayo goobaha danta guud ay ka mid yihiin wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gadiidka kadib markii uu dhawaan maamulka gobolka Hiiraan daah furay mashuuraca [Ku dhiso dalkaaga Hal Doolar ]

2/25/2017 8:43 AM EST
Sabti,Febraayo ,25 , 2017 (HOL) – Abaaraha dalka ka jira ayaa sababay inay dadkii xoolo dhaqataddu u nuglaadaan cuduradda,ka idb markii nafaqo daro ku dhacday.

2/25/2017 8:25 AM EST
Sabti, Feberaayo 25, 2017 (HOL) -Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan ayaa lagu so warmayaa  in uu iscasilay kadib markii u waraaqdii iscasilaadiisa uu u gudbiyay  Madxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka aqbalay sida Illo Xog ogaal ah ay  no xaqiijiyeen.

2/25/2017 8:03 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Xildhibaanadda kala ah Sadiiq Warfaa, Sacdiyo Salaad iyo Cabdifataax Cali oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa booqasho gaaban ku joogay gobolka Minnesota oo ay hore u daganaayeen ayaa habeenimadii xalay kulan xogwaran ah u qabtay xubnaha jaaliyadda ee ku dhaqan gobolkaan.

2/25/2017 7:48 AM EST
Sabti, Febraayo ,25, 2017 (HOL)- Magaaladda Hargeysa waxa baryahan dambe si weyn looga hadal hayaa dad sixirooleyaal ah oo dadka inta wax saaraan la baxsanaya, isla markaana dhawr jeer la soo qabtay iyagoo xadka Itoobiya ama Jabuuti lagu sii waddo.

2/25/2017 7:01 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa dhaliilay Hanaanka siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale Xukuumada Puntland ee u hogaamiyo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas kadib shir Jaa'id oo u ku qabtey Maanta Xarunta Puntland ee Garowe.

2/25/2017 6:54 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

2/25/2017 6:29 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaa lagu jir dilay qaar ka mid ah 7 dhalinyaro maxkamad ku xukuntay dil toogasho ah.

2/25/2017 5:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa dowladda Kenya u qabatay in ugu dambeyn dhamaadka sanadkan ku soo gudbiso jawaabteeda ku aadan dacwada Badda.

2/25/2017 4:37 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in tuulooyin hoostaga gobolka, gaar ahaan deegaanka Cadalle ka dhaceen dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

2/25/2017 3:59 AM EST
Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in maanta la hor keeeno wariye CabdiMaalik Coldoon oo waayadii ugu danbeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa.

2/25/2017 3:00 AM EST
Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-QM ayaa soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha.

2/25/2017 2:32 AM EST
Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-13 qof oo muhaajiriin ah ayaa konteenar ku neef qabatoobay kuna dhex dhinta dalka Liibiya.

2/25/2017 2:12 AM EST
Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay ama mar kale dib uga bilowday Koofur Afrika-South Africa.

2/25/2017 1:35 AM EST
Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-Stephen O'Brien, oo jago sare oo dhanka arimaha gargaarka ah ka haya QM ayaa damacsan inuu dhawaan u socdaalo Soomaaliya iyo Yemen.