4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan oo is casilay

 Sabti, Feberaayo 25, 2017 (HOL) -Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan ayaa lagu so warmayaa  in uu iscasilay kadib markii u waraaqdii iscasilaadiisa uu u gudbiyay  Madxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka aqbalay sida Illo Xog ogaal ah ay  no xaqiijiyeen.

Iscasilaada Deeq Suleymaan ayaa ilaa iyo hadda la ogayn sababta ka danbeysa,inkastoo Warar hor-dhaca ah oo ay heshay HOL ay tilmaamayaan in Deeq sulemaan  iscasilaadiisu ay asalka ku hayso ka mid noqoshada Xubnaha Golaha wasiirada Puntland oo dhawaan la filayo in u so magacaabo Maadaxweynaha Puntland.

Sidoo kale,Wararka ayaa  intaas ku daraya in deeq Sulaymaan uu rajo ka qabo in uu ka mid noqdo  Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo u so magcaabidoono hadii ay Baarlmaanka  ansixiyaan Xassan Cali Kheyre R/wasaaraha Cusub soomaaliya.

Dhinaca kale,Deeq Sulaymaan ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay oo u magacaabey Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas 2014-kii Markii uu Madaxweynaha Puntland uga guulaystay Madxawenihii hore ee Puntland C/rixmaan Faroole oo tartan adag u dhex-maray.

Ugu danbeytii, danbayntii,Iscasilaada Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ayaa ku so beegmaysa,iyadoo ay so baxayaan dhaliilo waxqabada la,aan oo ay Xukuumada Puntland u so jeedinayaan siyaasin horay Xilal uga so qabtay Xukuumadii hore ee Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya