4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Wasiirkii Hore ee maaliyada Puntland oo dhaliilay xukuumadda u hogaamiyo madaxweyne Gaas ee Puntland

 Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) –Wasiirka hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire  ayaa dhaliilay Hanaanka siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale  Xukuumada Puntland ee u hogaamiyo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas kadib shir Jaa'id oo u ku qabtey Maanta Xarunta Puntland ee Garowe.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid Kalsoonidii iyo Himalladii ay Bulshadu ka qabtey Xukuumada Madaxweyne Gaas,isagoona Xusay in Amnigii faraha u ka baxay,dhaq dhaqaaqii dhaqaalahana u  mugdi galay.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in waqtiga shacabka Puntland u Baahan-yihiin qaymeen iyo isi saxid dhab ah oo ay sameeyaan,isagoona intaas ku daray in Xukuumada Puntland xiligan fashilantay,taasina aanan la aqabli karin in la sii daawado.

Dhnaca kale,Wasiiir Faarax wuxuu hogaamiyaasha Dhaqanka,dhaqaalaha iyo Bulshada Puntland ugu baaqayn in hoos loo fiiriyo waxa Puntland ka jira waa sida uu hadalka u dhigay,isagoo xusay in baahi lo qabo doodo ay dadku uga hadlaan arimahooda khaaska u ah si ay wax wada-saxaan.

Ugu Danbayntii,hadalkan ka so yeeray wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Mudane shire ayaa ku so beegmaya,iyadoo siyaasiin ku so hugooobay Doorashadii soomaaliya ay Garowe dib ugu so laabteen,kuwaaso aad u dhaliilsan qaabkii Madaxweyne Gaas uu ugu qayb-galay O'lalihii Doorashada ee u ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo Saddex Todobaad ka hor...

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya