4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2017
Golaha Aqalka Sare oo maanta kulankii ay yeesheen ku Ansixiyay 5 Guddi iyo 2 Habdhowre

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL)- Xubnaha Aqlka Sare ee Dalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa ay yeesheen Kalfadhigoodii-koowaad-kulankiisa- lixaad oo ay ku Ansixiyeen laba Hab-dhowre iyo Shan guddi oo u-shaqeyn doona si ku-meelgaar ah.

Guddiyadda ay meelmariyeen waxaa ay kala yihiin: Guddiga amnniga, Guddiga Xeer-Hoosaadka, Guddiga Astaansameynta Golaha Aqalka Sare, Guddiga Maaliyadda iyo Guddiga shaqosiinta.

Kulankii maanta ee Aqalka Sare, waxaa soo xaadirtay 37 mudane iyadoona Ajandaha kulanka uu ahaa Magacaabidda Guddiyo si ku-meelgaar ah u shaqeeya iyo Ansixinta Habdhowrka Golaha, waxaana shir-gudoominayay Cabdixaashi Cabdullahi oo ah Guddoomiyaha Aqalka sare.

Kulankii maanta ee Aqalka Sare, ayaa waxaa lagu magacaabay laba Habdhowre oo kala ah, Cabdikaafi Macallin Xasan iyo Xildhibaan Fartuun Cabdullqaadir Faarax.

Hassan Istiila

[email protected]