4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Caruurta inta la xado la sixrayo oo ku soo badanaya Somaliland , iyo gabadha la soo bad-baadiyay

Sabti, Febraayo ,25, 2017 (HOL)-Magaaladda Hargeysa waxa baryahan dambe si weyn looga hadal hayaa dad sixirooleyaal ah oo dadka inta wax saaraan la baxsanaya, isla markaana dhawr jeer la soo qabtay iyagoo xadka Itoobiya ama Jabuuti lagu sii waddo.

Maalmihii u dambeeyey ayaa ciyaal badan iyo dad kaleba la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, waxaana dad dhexda laga soo qabtay sheegeen in ay jiraan dumar iska dhigaya dadka dawarsadda ama dadka guryaha ka gura maryaha ee yidhaahda qoysas dan yar ah ayaa loo ururinaya ayaa inta badan la sheegayaa inay ka mid yihiin dadka caruurta ama dadka guryaha jooga sixirka saara ee la baxsadda.

Haweenkan sixirka saarayaa ayaa la sheegay in marka ay guriga yimaadaan inay qofka ka furo guriga ay wax saarayaan ka dibna uu qofkii isagooon is ogayn uu daba galayo, sidaasna ku kaxaysanaya ama lagu waayeyaa qofkii.

“Guriga waxaa joogay sadex hablood oo yar-yar, tan ugu wayn 20 jir tan ugu yarna 12 jir, inanta u wayni waxay maydhaysay dhar ka dib markii ay usoo gashay islaan dawarsanaysa, taas oo ka dalbatay inay dharsiiyaan.

Dharkii kamay helin, cabaar ka bacdina waxay la hadashay inantii u roonayd inan tii ayaa iska daba dhaqaaqday kuwii kalena way aamuseen uun.duhurkii ayaa guriga loogu yimid hablihii oon hadlayn, quraan ayaa lagu akhriyaya ka dibna waxay ka sheekeeyeen siday wa u dhaceen.

Xiligii ayaa baadi goob la galay. Ka dib laba saacadood oo baadi goob ah waxaa lanagala soo hadlay number kii inanta.

Inanta waxaa la geeyay guri meel uu ku yaal aan la ogayn waxaana lagu sameeyay baadhitaan dhiigag ah  ka dibna waxaa lagu wareejiyay gaadhi nooca NOAH-da ah gaadhigaas oo loogu talo galay inuu ku wareejiyo gaari kale.

Nasiib wanaag markii ay gaadhigii ka dageen intayna gaadhigii labaad gaadhin ayaa inantii guri furan iska gashay qoftii wadatayna  way ka daba gashay.

Dadkii guriga joogay ayaa cabaar ay isku buuqeen, ka dib gurigi ay gashay inantu ayaa qoyskii inantan la xadayey ka dhalatay lala soo hadlay, sidaas ayaa lagu soo qabtay inantii iyo afar qof oo doonayey inay inantan la baxsadaan”ayuu yidhi mid ka mid ah eheladda gabadhan yar ee la sixray.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo badanaya dadka la xadayo, isla markaana waayadan dambe waxaa suuqa ku soo batay hadal haynta dadkaasi inta la sixro lala baxsanayo oo sidaas lagu waayayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.