4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Maamulka Beledweyne oo u mahad celiyay xildhibaan Qoono gacan ka geystay dhismaha wado muhiim ah

 Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Magaalada Beledweyne waxaa ka socda mashaariic dib loogu hagaajinayo goobaha danta guud ay ka mid yihiin wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gadiidka kadib markii uu dhawaan maamulka gobolka Hiiraan daah furay mashuuraca [Ku dhiso dalkaaga Hal Doolar ]

Xildhibaan Max’ed Xassan Ibraahim Qoono oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku deeqay dhismaha wadadan ilaa 200 oo kiis oo shamiito ah oo sida ay maamulka degmada Beledweyne sheegeen wax weyn ka tiri doonta dhismaha wadado muhiim ah oo laga wado bartamaha magaalada.

Maamulka degmada iyo guud ahaan howlwadeenada dhismaha wadadan ayaa sheegay in deeqdan tahay tii ugu horeysay ee ka soo gaartay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii la daah furay mashuurcan dib loogu dhisayo goobaha danta guud.

 Maamulka ayaa ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka iyo guud ahaan mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ee ka soo jeeda gobolka in ay ka qeybqaataan dib u dhismaha goobaha danta guud.

Wadadan dhismaheeda laga wado magaalada Beledweyn ayaa isku xiri doonta xaafadda Buundoweyn iyo xaafaddaha kale ee magaalada, waxaana uu maamulka sheegay in marka la soo afjaro dhismaha wadadan loo soo jeesan doonto dib u hagaajinta jidadka kale ee magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]