4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Dhalinyaro dil lagu xukumay oo lagu jir dilay magaalada Boosaaso

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaa lagu jir dilay qaar ka mid ah 7 dhalinyaro maxkamad ku xukuntay dil toogasho ah.

Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago ayaa VOA u sheegay in xaalada dhalinyaradaasi ay aad u xuntahay.

Nabadoon ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo dhibaatada loo geystay dhalinyaradaasi oo dil toogasho ah ku xukuman.

Ugu danbeyntii, dhalinyarradan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, waxaana Maxkamada Ciidamada Puntland ay ku riday xukun dil ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]