4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in tuulooyin hoostaga gobolka, gaar ahaan deegaanka Cadalle ka dhaceen dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa shan ruux geeriyoodeen dagaalka, halka sidoo kale tiro intaa ka badan uu dhac ka soo gaaray.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo warbaahinta la hadlay sheegay in dagaalku uu salka ku haayo aanooyin Qabiil iyo sidoo kale dilal horay uga dhacay degaanada lagu dagaalamaayo.

Maamulka Hirshabeele ayaa loogu baaqay in ay soo  faragaliyaan dagaalka u dhaxeeya labada beelood si looga fogaado dhiig danbe oo daadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]