4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Wariye CabdiMaalik Coldoon oo maanta lagu maxkamadeynayo magaalada Hargeysa

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in maanta la hor keeeno wariye CabdiMaalik Coldoon oo waayadii ugu danbeeyay  ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Wariyaha oo lagu eedeynayo in uu ku xadgudbay jiritaanka Soomaaliland, ayaa maanta hor imanaya maxkamada Hargeysa.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo eedeeyay wariyaha in uu ka qeybgalay uuka qeyb galay olole siyaasadeed oo la xiriira doorashadii madaxweynaha Soomaaliya

C/maalik Coldoon ayaa todobaad ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, kaddib markii uu ka tagay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa markii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhowaan sheegay in C/maalik Coldoon la soo taagi doono Maxkamad, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qaranimada Somaliland, sida uu yiri.

Ugu danbeytii C/maalik Coldoon ayaa ah wariye ka shaqeeya arimaha samafalkaiyo caawinta dadka dhibaateysan, isagoo soo gudbiya fariimo la xiriirta dhibaatooyinka nololeed ee heysta dadka dan yarta ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]