4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Dadkii xoolo dhaqatadda ahaa ee Abaaruhu saameeyeen oo cudurana ugu darsameen

 

Sabti,Febraayo ,25 , 2017 (HOL) – Abaaraha dalka ka jira ayaa sababay inay dadkii xoolo dhaqataddu u nuglaadaan cuduradda,ka idb markii nafaqo daro ku dhacday.

Isku duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Yuusuf Dirir Cali ayaa sheegay inay dadkii u nuglaaday cuduradda faafa, waxaanu sheegay inay shuban iyo jadeeco ku dhaceen, haseyeeshee ay xakameeyeen oo deegaanaddii uu ka dhashay kooxo caafimaad u direen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in boqol iyo konton ilaa laba boqol uu soo ritay cudurka Jadeecadda taas oo ay daweeyeen ka dib markii cisbitaalka la keenay.

“Dadkii abaaruhu ka dhaceen Waxay u nuglaadeen cuduraddii faafayey, shuban baa jiray wuu yaraaday markii aanu kooxo caafimaad u direen goobihii uu ka dilaacay, imika Jadeeco bilaabantay waxay ka bilaabantay magaalada qoyta olole ku qaandayna, hadana imika meelo kale ayey ka soo ifbaxday sida Qori lugud, Buuhoodle iyo deegaano u dhow dhow, waxa kale ka jira kiisas yaryar oo xadidan magaaladda Burco, dhimashaddu waxay maraysa ilmo yar oo kaliya oo sideed bilood jiray, tiradda na soo gaadhay celcelis ahaan ee uu ku dhacay cudurkan Jadeecadda ee ka dawoobay waxay gaadhayaan 150 illa 200 oo qof,”ayuu yidhi Yuusuf Dirir Cali oo ah isku duwaha wasaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Togdheer oo ka warbxinayey dadkii abaaruhu ku dhaceen ee cuduro ku dhacay awgood loo soo dhigay cisbitaalka.

Ugu danbeytii, dadkan abaaruhu ka dhaceen ayaa la sheegay inay u nuglaadeen cuduradda, taasina ay sabab u tahay inay cuduro wax laga qaban karo u le’daan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland