4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo diidday inay ansixiyaan miisaaniyadda 2018kii

Axad, July, 07, (HOL)– Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiillada ee magaalada Garoowe ayaa soo gabagabeeyay dood ay ka lahaayeen xisaab xirka miisaaniyadda 2018kii oo golaha la hor keenay 30kii bishii hore ee Jun 2019ka.

Guddoomiyaha hanti-dhawrka guud oo Goluhu ayaa hor tagay Baarlamaanka oo horey ugu yeeray si uu faah-faahin uga bixiyo warbixintii ku saabsanayd xisaab xirka miisaaniyadda 2018, taasoo uu sheegay xafiiska hanti-dhawrka guud inaan haba yaraatee lagu dhaqmin miisaaniyadda 2018ka ayna jiraan khaladaad badan oo ka muuqda sida loo kharash gareeyey dakhligii soo xerooday.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa marka ay dhageysteen warbixinta hanti-dhawrka , waxaa ay dood iyo fallaqeyn dheer kaddib isku raaceen;
  • Inaan goluhu meel marin xisaab xirka miisaaniyadda 2018, madaama aanay waafaqsanayn Dastuurka DPL.
  • In golaha wakiilladu soo saaro xeer xisaabiyaha guud lagaga madax bannaynayo wasaaradda Maaliyadda.
  •  In dib-u-habayn lagu sameeyo xafiiska hanti-dhawrka guud iyo Bangiga dhexe ee dawladda, dib u eegisna lagu sameeyo xeerarka ay ku shaqeeyaan.

Miisaaniyadda 2018, waxa loo gudbin doonaa xafiiska xeer-ilaaliyaha guud, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka Puntland, maaddaama ay xildhibaannadu diiddeen xisaab xirkeeda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]