4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta si rasmi ah u daahfuray carwada bandhiga buugaagta Kismaayo


Axad, July, 07, (HOL)– Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay.

Waxaa kale oo uu goobtaas hadal ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii saddexaad.

“Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel lagu faano marka la eego dhanka waxbarashada, akhriska, qoraalka iyo dhiirigalinta joogtada ah ee ay bulshadu iyagu isku sameeyaan, Waxaana boggaadinayaa dhammaan bandhig buugaageedyada kala duwan ee sannad walba lagu qabto magaalooyinka waa weyn ee dalka sida Muqdisho, Caddaado, Garoowe, Hargeysa, Baydhabo” ayuu yiri Axmed Islaam.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa inta ku daray in burburkii dalka ka dhacay uu sameeyay qaybo badan oo kamid ah waxyaabaha Aas Aasiga ah balse hada laga soo kabanayo oo Soomaaliya hormar la taaban kahor ay gaadhay sanadahii u danbeeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]